Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Askari horay u dilay muwaaddin Kenyaan ah

Date:

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo horay u dilay, Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Dilka muwaaddinka Kenyaanka ah ayaa 20-kii July ee sanadkan 2023-ka ka dhacay agagaarka garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, xilli uu ninka ajanabiga ah ku guda jiray howlo dhismo guri dabaq ah.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Ciidamada qalabka sida, Axmed Cabdalla ayaa sheegay in Xasan C/raxmaan aan loo haysan oo keliya dambiga lagu soo eedeeyay oo keliya, balse ay jiraan lunsasho hub iyo baxsasho.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida G/le sare, Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray dhagaysiga gar maqalka ka dhanka ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ku eedeysan dilka muwaaddin Kenyan ahaa oo lagu magacaabi jiray, Fredrick Odhiambo Owino

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...