Taliyaha Qaybta 27aad Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Faarax Kooshin ayaa Hawlgalo lagu Nadiifinayo Khawaarijta ka Sameeey degaanno Hoostaga Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Howlagalka ayaa daaranaa Nadiifinta haraadiga khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno hoostaga Magaalada Halgan,halkaa oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka sameeyeen howlgal baritaano ah,waxana sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ay shacabka u shegeen in ay la shaqeyaan ciidamada amniga.
Degaanno badan oo katirsan gobolada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa si dar-dar ah uga soconayo howlgallo kala duwan oo khawaarijta looga saarayo goobaha fara ku tirska ah ay degaanada qaar kaga sugan yihiin,
waxaana xusid mudan in mudda todobaad ku dhow uu magaalada Dhuusamareeb ku suganyahay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh oo ujeedka uu halkaa u tagay ay tahay dar-dargalinta howlgalada dalka looga sifeeynayo khawaarijta.