Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo dhagax-dhigay Xarunta cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Dhexe ee cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisayo iskaa-wax-u qabso.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego.

Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Raโ€™iisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse โ€œ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumoโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay kulanka dhiggiisa Baarlamaanka Adduunka

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...