Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa  ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...