Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Date:

Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, kaas oo socon doona labada maalmood 26-27- 2023.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan loogu doodi doono wada shaqaynta Booliska iyo xeer ilaalinta, gaar ahaan barista dambiyada iyo oogista dacwadaha, isagoo xusay in sanadkii ugu dambeeyay ay aad usoo hagaagayaan wadashaqaynta ka dhexeysa laamahan.

Mudane, Doodishe ayaa sidoo kale sheegay in shirkan looga doodayo dib u eegis lagu sameeyay xeerka ciqaabta guud iyo kor u qaadista cadaaladda, si uu ula jaan qaado is-beddelada ka dhacaya caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar muumin ayaa sheegay in ay tahay muhiim wax ka badalka xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed si uusan dambiiluhu ugu dhex faa’iideysan booliska, xeer ilaalinta iyo garsoorka dhexdooda.

“Booliska Iyo Xeer Ilaalinta Kiisas waaweyn oo meel wanaagsan ku dhammaaday ayey iska kaashadeen, haddana weli shaqada ayaa socota”.

Taliyaha ayaa sheegay in wax ka beddelka xeerka ciqaabta aad loogu baahan yahay maaddaama ay bulshadu badatay, wadciguna is-beddelay, taas oo sababtay in ay soo baxaan dhaqanno fool xun oo aynaan hiddo u lahayn, anshaxa iyo diintuna aan ku habboonayn.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...