Ciidanka xoogga dalka oo nawaaxiga degmada Waajid ku dilay 25 khawaarij ah

Date:

Ciidanka xoogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khawaarijta la laayay ay shan ka mid ihi ahaayeen ajaanib, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyadii ay ka carartay kooxdu iyagu soo qaadeen.

Warar ka madax bannaan maamulka degmada oo ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in qasaaraha lagu gaarsiiyay khawaarijta howlgalka ka dhacay galbeed degmada Waajid uu intaas ka badan yahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...