Soomaaliya iyo Bakistan oo iska kaashanaya horumarinta Barnaamijka Teknoloojiyadda

Date:

Barnaamijka Comsec oo ah Barnaamij ay iska kaashanayaan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Bakistan iyo wasaaraddaha kala ah arrimaha dibadda iyo Seyniska iyo Teknoloojiyadda waddamkaas, ayaa laga daah-furay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Daah-furka Barnaamijka muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay labada wasaaraddood iyo sii-hayaha safiirka safaaradda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barta Dalkaas.

Ugu horeyn, Dr. Maxamed Iqbaal , agaasimaha guud ee Barnaamijka Comsec ayaa sheegay in loo baahan yahay sare u qaadista xiriirka waddamada ku mideysan ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), si xalal waara looga gaaro baahiya markaas taagan.

Sidoo kale, sii-hayaha safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Bakistan Mudame Shirwac Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo dhinaca Teknoloojiyadda, isagoo agaasinka Comsec uga mahadceliyay daah-furka Barnaamijkan muhiimka u ah Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa bixin doonna ilaa 10-deeq waxbarasho (chollarship),seminaaro iyo tababaro la xiriira cilmi-baarista seyniska iyo Teknoloojiyadda, kuwaas oo looga faa’ideyn doonna ardayda Soomaaliyeed ee daneyneysa Barnaamijkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...