Soomaaliya oo ku sii dhawaanaysa bar-dhammaadka deyn cafinta

Date:

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa manta kulan is-xog wareysi ah la yeeshay madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya.

Kulanka oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan hor yaala wasaaradda maaliyadda oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka Maamulka maaliyadda guud ee Public Financial Management (PFM).

Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada wasaaradda maaliyadda ayaa muujiyey ahmiyadda ay dalka u leedahay dar-dar galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...