Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo, Sarakiisha Ciidamada, wax garadka iyo dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gedo.