Wasiirka warfaafinta oo daah-furay dood wadaag ku aaddan gaarista Soomaaliya oo nabad ah

Date:

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay dood wadaag ku saabsan gaaridda Soomaaliya oo nabad buuxda hesha, fikradaha xagjirka ahna laga cirib-tiray.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa munaasabada furitaanka ka sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud inay ka go’antahay in Soomaaliya la gaarsiiyo marxalad ay ka faa’iideysato khayraadkeeda, dhallinyaradeedana loo abuuro mustaqbal ifaya oo wanaagsan, isagoo tilmaamay in doodaha furan ay ka mid yihiin 3-da jiho ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dagaal ciidan, mid dhaqaale iyo midka fikirka ah oo bulshada looga wacyi galiyo khatarta fikirka xagjirka khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Khawaarijta kaalinta kaga aaddan ay sii xoojiyaan, si loo soo afjaro Khawaarijta dadka nabadda u diiday, isagoo doodda u rajeeyey in ka soo baxaan aragtiyo maangal ah oo bulshada waxtara.

Dood wadaagga waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Booliska, Maamulka gobolka Banaadir, Culimada Soomaaliyeed iyo boqolaal shacab ah, iyadoo laga filayo in ay ka soo baxaan aragtiyo wanaagsan oo qeyb wayn ka qaata dagaalka ka dhanka fikirka xagjirka ee Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo...

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...