Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Budbud oo lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Date:

Howlgalka qorsheysan oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen shalay galinkii dambe deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.

Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaas lagana war helay xogtooda.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooba dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta kawada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...