Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Date:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kumanaan shacab ah kula hadlayey Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Mogadishu Stadium) xuska sannad guuradii 63aad ee xornimada dalka ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan ciribtirka cadowga ragaadiyey amniga iyo horumarka ee Khawaarijta Al Shabab.

2- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono dastuurka dalka, si loo harumariyo hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadley xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Ciidul Adxa awgeed khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Receb Tayib Erdogan, Amiirka dalka Qatar  Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay ka go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada waajibaadka Xajka.

7- Ciidamada Xoogga Dalka oo ATMIS kala wareegay saldhigga Geriley ee gobolka Gedo, tallaabadaas oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka iyo ka bixitaanka Ciidammada ATMIS ee Soomaaliya.

8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegeen ammaanka xarumihii ay baneeyeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

9- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Marwo Safiyo Xasan Maxamed, Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Guddoomiyihii hore.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka.

11- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya  Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ay dhinteen afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’ yahay saddex xaaji, ilaa 60 kale oo gargaar caafimaad u baahnaana wax loo qabtey.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa ayaa safar kormeer ah ku tagay furimaha hore iyo xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin degmooyiinka Galcad iyo Ceel dheer ee Gobolka Galguduud.

13- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo  booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) ayaa faray maamulka deegaanka in aan la dhisan karin qabuuraha, waxaana uu balan qaaday in tlalaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu arkaa.

14- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow  ayaa magaalada Makah ee Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Qatar

15- Wasiir Ku-Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Xildhibaan Saalax Shariif Cali  ayaa booqday deegaannada Goof-Gaduud, Buurey iyo  Haraaw ee Gobolka Bay, isagoo ku bogaadiyey shacabka guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

16- Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu burburiyay maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen halkaasi.

17- Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo qabtey soona  bandhigay 9 horjooge oo ka tirsanaa kooxda argagaxisada ah ee Daacish.

18- Kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab oo fal aad u xun oo Diinta Islaamka lid ku ah ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib markii ay burburiyeen masjidka degaanka Daarul Nimca.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...