Ciidamada Isra’iil oo dib ugu baxay Jeniin

Date:

Ciidamada Isra’iil ayaa isaga baxay xerada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib maalmo ay halkaas ka wadeen howlgal ay ku bartilmaameedsanayeen dadka reer Falastiin ee xeradaasi ku sugnaa.

Muuqaallo ay baahisay Warbaahinta ayaa muujinaya burbur baahsan oo ay halkaasi ka geeysteen Ciidamada cirka iyo dhulka ee Isra’iil.

Tirada dadka ay halkaasi ku dileen Ciidamada Isra’iil, ayaa lagu sheegay 12 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 100 qof.

Tv-ga Al-jazeera oo xaalada xeradan ugu kuurgalayay ayaa sheegay in ciidamada Isra’iil ay burburiyeen kaabayaashii  noolasha ee xeradaas, kadib muddo laba maalmood ah oo dagaallo ay ka socdeen xerada Jeniin ee dhacda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...