Baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii ay khawaarijtu la beegsatay masjidka Daaru Nicma

Date:

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii ay Malleeshiyada Argagixisada ee Al-Shabaab la beegsadeen Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe  Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilmaantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadanaha, kaas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta Caalamka.

Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in argagixisadu aysan diin lahayn, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dhammaan dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamaysao khawaarijta heer gobol iyo mid caalami.

Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto argagixisada, iyadoo muddadii uu socday laga gaaray guulo la taaban karo laguna naafeeyay kooxaha argagaxisada ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...