Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin).

Date:

Jiritaanka argagixisada iyo in ay dadka laayaan waxaa laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha xooggan oo ay sida baadda ah uga qaadi jireen Bulshada gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaas oo ay u adeegsan jireen dilalka, qaraxyada baabuurta,cabsi gelinta Bulshada iyo wax kasta oo halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maaddaama argagxisadu ku socdo dagaal toos ah oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo muddo ay xoog ku heysteen, kuwo kooban ay joogaanna lagu beegsanayo.

Si soo afjaridooda u fududaato waxaa lama huraan noqotay in dhinaca dhaqaalaha laga curyaamiyo, ku baraaruga Bulshada arxandarada iyo ficilada foosha xun ee argagixisadu oo ah kuwo aan waxba hambeyn oo lagu daray digniino iyo go’aano Dowladda ah ee la dagaallanka cadowga ayey inta badan ganacsatadii siin jirtay cadowga baadda joojiyeen.

Qarashaad lagu sii dhibaateeyo ummadda Soomaaliyeed, balse dadka faaqida arrimaha argagixisada iyo sida dhaqaalaha u sameeyaan ayaa rumeysan in ay wali jiri karaan waddooyin ku heli karaan dhaqaalo yar oo aan ku filneyn.

Dowladda Federaalka waxaa go’an in ay  xirto waddo kasta oo Khawaarijta Al-shabaab dhaqaale ku heli karaan,waanna sababta keentay in ay daciifaan kooxdaas bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in ay dambi tahay qof kasta oo lacagtiisa ku taageera Al-shabaab, isaga oo tilmaamay lacagaha ay qaataan Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la isku khilaafsaneyn oo muran ka taagneyn shilinka Shabaab la siiyaa wuxuu u adeegsanayaa dhiigga ummadda muslimiinta ah inuu daadiyo, askariga Shabaabka ah ee wax dilayo mushaar haloo siiyo, mateeriyaalka qalabka qaraxa lagu sameeyo halagu soo gado, midka qaraxa inuu meel mariyo la rabo halagu laaluusho, dhammaan isku soo wada xeeri dhiig la daadinayo qof Soomaali oo Muslim ah oo beri ka ah oo wax uu haleeyay iyo wax uu galabsaday aanay jirin dhiiggiisa la dilayo iyo xormadiisa la baabi’inayo ayaa loo adeegsadaa qofna ma u cudur-daari karo marka, “.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray kuwa Alle wax u dhiibay in ay ilaashadaan lacagtooda oo aanay naar ku muteysan.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ma jirto waddo u furan xilligan oo dhaqaalo uga heli karaan ganacsatada iyo dadka hodanka ah oo ay baadi jireen.

Hay’adaha amniga oo ah ugu horeyso hay’adda NISA ayaa daba-gal xooggan ku haysa dadka lacagaha siiya Al-shabaab iyo kuwa u qaada Al-shabaab, dhowaan ayeyna ahayd markii duleedka degmada Afgooye lagu dilay madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa u yeeridda si lacago baad ah looga qaado, gabalka Khawaarijtu wuu dhacay waxayna ku jiraan rafashadii ugu dambeysay jiritaankooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...