Gudoomiyaha Aqalka Sare oo hambalyada 1-da Luulyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliyeed Waqooyi iyo Koofur, iyo ku dhawaaqistii Jumhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed’ si looga miro-dhaliyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xoriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed isla markaana lagu wada noolaado nabad iyo barwaaqo.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda SoDMA iyo Culumada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah ku yeeshay Muqdisho 

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Culimada Soomaaliyeeed, ayaa isugu...

Ra’iisul Wasaare Xamse ” Macalinku waa halgamaaga naftiisa iyo Ubadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Duqa Muqdisho oo soo xiray madasha Doonista Maqaamka Matalaada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf...