Booliska oo soo bandhigay dhagarqabe isku dayay inuu qalqal geliyo amniga Caasimadda

Date:

Taliska qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir oo soo bandhigay dhagarqabihii hoggaaminayay weerar loo adeegsaday gentaallo macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal geliyo Shacabka magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska bobalka Banaadir ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gentaallo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabbilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hoggaaminayay malleeshiyaadka weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buulle waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gentaallo rakiban oo aan wali laridin, waxaana lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...