Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Gudoomiyaha maxkamadda sare oo gaaray magaalada Baraawe

Date:

Wasiirka gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, guddoomiyahaย  Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow,Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Masโ€™uuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...