Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaamaanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah, isla markaana wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen. Waxaana uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu...

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...