Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaamaanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah, isla markaana wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen. Waxaana uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...