Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo daah-furay imtixaanadka Dugsiyada Dhexe ee Gobalka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadka  Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir oo ay soo maanta u fariisteen 31,688-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u xogwareestay qaar kamid ah ardayda maanta u fadhiistay qaadista imtixaanadka Dugsiyada Dhaxe isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo imtixaanka islamarkaana ay natiija wax ku’ool ah ka keenaan.

Aggaasimaha guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir Dr Abdifitah Bare ayaa faahfaahiyay howlaha la xariira qaadista Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in sanadkii 4aad uu gobolku qaadayo imtixaanka oo ay maanta u fadhiisteen 31,688-arday oo isugu jira 17,751-Lab iyo 13,937-Dheddig kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood iyo 1,592 fasal kuwaas oo dhamaantood katirsan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda QM

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka...