Masaajid kuyaalla dalka Mareykanka oo dab la qabadsiiyay

Date:

Waxaa sii kordhaya weerarada islaam nacaybka ku saleysan ee lagu qaadayo goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajidada muslimiinta ay ku leeyihiin dalka Mareykanka , kuwaasi oo ay geesanayaan kooxo lagu tilmaamay cunsuriyiin islaamka neceb.

Masaajid lagu magacaabo Towfiiq oo kuyaalla magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa dab la qabadsiiyay, walina ma jiro cid falkaasi ka dambeesay oo ciidamada ammaanka ay usoo xireen.  

War kasoo baxay laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul  ayaa lagu sheegay in ay baarayaan Masaajidka dab la qabadsiiyey iyo ciddii ka dambeesay, waxa ayna xuseen booliiska in falkaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Masjidkan ayaa  xilliga dabka la qabadsiiyay waxaa ku socday dhismo, waxaana falkan walaac xooggan ka muujiyay muslimiinta kunool dalka Mareykanka oo dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato weerarada lagu qaadayo masaajida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...