Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka Ingiriiska

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahan Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka cusub Boqortooyada Dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.
Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha Ingiriiska Mudane Mike Nithavrianakis oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, ayaa sidoo kale kullanka waxaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed. Dhanka kale waxay kawada hadleen arrimaha ilaalinta xasiloonida dalka, iyo xoojinta ladagaalanka khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....