Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo oo ku beegan curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbannaanida ay maanta ku faanayso, taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.

“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isagoo ugu baaqay in ay sii xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta, dib u dhiska dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan horumarka dalkooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo kormeeray Bandhigga hordhaca ah ee Qorshaha Qaranka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

ku-Simaha duqa Muqdisho oo furay Bandhigga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed

Ku-Simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay shirka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Isbadalka Cimilada Soomaaliya oo kulan la qaadatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda ( WMO)

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Marwo Khadija Mohamed...