Guddoomiyaha  golaha  shacabka baarlamaanka oo hambalyo u direy dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 15-ka May awgeed waxaa uu hambalyo u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah maalintii dhidibada loo aasay Xisbigii leegada gobonima doonkii Soomaaliyeed ee SYL.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku tilmaamay in ay udub dhexaad u ahaayeen halgankii xornimo doonka dalkeenna, iyagoo tiir muhiim ah u ahaa dowladnimadda dalka, waxayna kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn waxaa uu dhalinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida ay door weyn uga qaateen dhismaha dowladnimadda, xorreynta dalka iyo u adeegida bulshada kala gedisan ee ku nool dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...