Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha lixaad ee badweynta Hindiya.

Date:

Danjiraha JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa qeyb galay Shirweynaha lixaad ee badweynta Hindiya oo ka furmay caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka maanta oo jimco ah.

Danjire Axmed ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoo dowladda Hindiya uga mahadceliyay ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka Badweynta Hindiya.

Soomaaliya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay dowladaha gobolka badweynta Hindiya, gaar ahaan qaarad-hoosaadka Hindiya oo inta badan ku saleysan ka ganacsiga marinnada badda waxaan aad iyo aad u jeclaan lahayn inaan sii wadno xiriirkan, waxaanan sidoo kale rajaynaynaa anaga oo kaashanayna iskaashiga kale duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo amniga – gaar ahaan amniga badda, waxbarashada, beeraha iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan dhulweynaha Afrika taasoo dhererkeedu dhan yahay sadax kun sadax boqol sodan iyo sadax (3333 km), Waxaan awood u yeelannay in badan oo aad u weyn xagga kheyraadka badda ah sida kalluumeysiga iyo gaaska oo ku jira baddena.

“Badda Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanaya kalluumeysiga sharci darrada ah, waxaanu qabanay maraakiib shisheeye oo wata dhowr tan oo kalluun si sharci darro ah looga soo guray Aagga Dhaqaalaha ee gaarka ah, shaqaalahooda ayaan gacanta ku haynaa oo waxay sugayaan maxkamadeen, xushmad la’aanta noocan oo kale ah ee madax-banaanideena maaha mid dhiirigelinaysa ilaalinta nabadda iyo barwaaqada” ayuu yiri danjire Axmed

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” dowladeena federaalku waxay si cad u dejisay mudnaanteeda, Muhiimadda koowaad dabcan waa nabada, waxaan rabnaa nabad dadkeena iyo dalkeena iyo tan aduunka, Sidaa darteed, dowladda waxaa ka go’an in ay la dagaalanto oo ay cirib tirto kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab” ayuu yiri danjiraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...