Alle u naxariisteen saciid Khaliif Cali iyo Khadro Cumar Dhuulle oo Muqdisho lagu aasay.

Date:

Alle ha u naxariistee Fanaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Germany ayaa maanta Meydkiisa laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho iyadoo aas Qaran loogu sameeyay qabuuro ku yaala caasimadda.

Marxuumka Saciid Khaliif  iyo Mafanaanadii fanaanku dhalay ee Khadro Cumar Dhuulle oo Iyana xalay ku geeriyootay xaafadda Ex fiyoore eee magaalada Muqdisho ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday masaajid ku yaala xaafadaaas waxaana ka qeyb galay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, bahda fanka iyo qeybaha bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Labada fanaan ee maanta gurigooda dhabta ah loo galbiyay.

Maareeyaha Tiyaarterka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo qaar ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta.

Sanatar Samsam Daahir Maxamuud ayaa allaah uga barisay naxariistiisa Fanaaniintii geeriyootay Saciid Khaliif Cali Iyo Khadro Cumar Dhuulle kuwaas oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Saciid Khaliif ayaa lagu aasay Qabuuro ku yaala deegaanka Gubadley halka AUN Khadro Cumar Dhuulle lagu aasay Qabuuraha Iskuul Boliisia ee degmada Xamar jajab,halkaas oo ugu dambeyna loogu duceeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...