Safiirka JFS ee Shiinaha oo Ka qeybgalay shirweynaha caalamiga ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socda Dalalka Shiinaha iyo Afrika.

furitaanka shirka, waxaa khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isagoo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.

Danjiraha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane, ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada Dal ka dhaxeeyo.

” Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas ka dib, aas-aasmay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi u-dub-dhexaad ilaa iyo hadda u ah xiriirka labada Dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute”, ( CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha ” Chinese Academy  of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraasaadka caalamka ah  ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...