Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay.

Date:

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa Wakiilada warbixin ka siiyay baaxadda xaaladda fatahaada ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo saameynta daran ee ay bulshada ku yeesheen xili dadkii deganaa Magaalada ay inta badan ka barakeen guryahoodi qaar kale oo wali ku go’doonsan gudaha Magaaladana laga soo daad guraynayo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobe in gargaar deg deg ah oo isugu jira cunno, biyo, hooy iyo dawooyin lasoo gaaraan dadka guryahooda kasoo barakacay ee daadsan bariga iyo galbeedka Magaalada Beledweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...