Madaxweynaha JFS oo madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo oo salaadda Jumcaha kadib Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in raalli ka noqon karin in muddo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano la soo dhisayay.

Dhanka kale madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda ay qaaday tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka, isaga oo ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay door ku yeeshaan ka hortagga xatooyada xoolaha hantida dadweynaha.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta oo dowladda Turkiga Ka guddoontay Qalab warbaahin oo Casri ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Cadale ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

32-kamid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta oo tababar loo furay

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee BFS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...