Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Yugaandha

Date:

Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeennna ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreynayo gayiga Soomaaliyeed ku yeeshay dalka Uganda.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro khawaarijta oo lagu wado in dhowaan laga sifeeyo dalka, kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay iska kaahsnayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga gaaray horumar ballaaran oo mira dhal ah.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo meel wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada 2014-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu codsaday dhiggiisa dalka Yugaandha , Yoweri Museveni in shirka looga hadlayo arrimaha ATMIS uu marti geliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...