Ciidamada dowladda oo qarka u saaran iney la wareegaan deegaanka Booco

Date:

Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo Khawaarijta ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50 KM koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggamineysa howlgalkaas. Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay Khawaarijta uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax,  Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, waxayna ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buuloburde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qaran ee Taageerada la-dagaallanka khawaarijta oo booqday Isbitaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka geeddi socodka Khartoum oo lagu qabtay Qaahira

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire...

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo furay kulan looga hadlayo kobcinta wax soosaarka dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil....

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...