Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Dooddaan oo ay qeyb ka ahaayeen madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale, ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in  Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida conto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka, horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...