RW Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey

Date:

Muqdisho, Abriil 13, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda DanQaran ee xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adeegyadii guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay u geysteen argagixisadu.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada cadowga laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo  waiii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...