Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.

Date:

Shirka amniga gobolka Bari ayaa laga soo saaray Go’aamo adag oo amniga wax looga qabanayo.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha ciidanka Boliiska, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso,Taliyaha ciidanka Daraawiishta,Taliyaha nabad sugidda,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

1-Guddiga amniga wuxuu dardargalin iyo xoojin amni ka bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada

looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa

ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaso.

2- Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee

ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu

dhaqsaha badan.

  1. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha

shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga

Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays

amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda.

  1. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan

habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka

qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...