Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha

Date:

Muqdisho 10, Abriil 2023– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanamida.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha Shengchao ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...