Hayโ€™adda Maareynta oo Qoysas danyar ah dhawaana uu saameeyey daadad xoog leh oo Magaalada Xudur ku soo Rogmaday Gaarsiisay deeq Mucaawino ah.

Date:

Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Ayaa Maanta Qoysas danyar ah dhawaana uu saameeyey daadad xoog leh oo Magaalada Xudur ku soo Rogmaday waxa ay Gaarsiisay deeq Mucaawino ah.

Shixnadaan Gargaar waxaa ka Faaiideystay 215 Qoys oo iskugu jira Danyar iyo kuwa Qaba baahiyaha Gaarka ah .

Raashnika la gaarsiyey dadkaan ayaa iskugu jira Bur,Bariis,Baasto,Sonkor iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Raashinka.

Dhamaan dadkii Gargaarkaan loo qeybiyey iyo Maamulka Degmada Xudur ee Maamulka KGS ayaa u mahadceliyey Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka si gaar ah Guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle waxaana ay shegeen in uu u soo gurmaday xilli Reer Xudur wajahayeen xaalada adag kadib Roob Mahigaan ah oo halkaas daadad ka dhashay ay xafadaha qaar buux dhaafiyeen,taas oo sababty in dadkii daganaa ay barakacaan.

Boqolaal dad ah ayaana ku barakacay biyahaas xoogan ee xafadaha qaar ku rogmaday,waxaana ay baabiiyeen Beero sanadkaan la filayey in ay soo saraan dalagyo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...