Madaxweynaha Jamahuuriyadda oo booqday ciidamo cusub oo ka tirsan Millatariga dalka kuwaasi oo ka qayb noqonaya sugidda amniga Muqdisho

Date:

Muqdisho, Maarso 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...