Milateriga Maamulka Yahuuda oo duqeymo culus ka fuliyey Qaza

Date:

Milateriga Maamulka Yahuud ee  Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro dhanka cirka ah oo aargoosi ah kuwaas oo ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza iyo koonfurta Lubnaan ka dib markii in ka badan soddon gantaal lagu riday Israa’iil.

DagaallamayaashaFalastiiniyiinta ee ku sugan Qaza oo iyagana weerarkaasi ka falcelinaya ayaa gantaalo ku garaacay koonfurta Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa goor sii horreysay shaaca ka qaaday in cadawga dalkiisa uu cawaaqib adag la kulmi dooni.

Dhanka kale hoggaamiyaha Xamaas, Ismail Haniyeh, oo ku sugnaa Lubnaan markii gantaallada la ridayay ayaa carrabka ku adkeeyay in Falastiiniyiintu “aysan gacmaha isa saran doonin” oo ay ka dhiidhin doonaan gardarrada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...