Wasiir dowlaha Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Mudane Adam Aw Hirsi iyo ,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa waxa ay uga qeybgaleen Shirweyne looga hadlaayey xaaladda bani-aadannimo ee Soomaaliya

Date:

Wasiir dowlaha Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Mudane Adam Aw Hirsi,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland waxa ay uga qeybgaleen Shirweyne looga hadlaayey xaaladda bani-aadannimo ee Soomaaliya iyaga oo halkaas ka jeediyay qudbad ay uga hadlayeen xaaladda bini aadinimo ee ka jirta Soomaaliya.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed, si wax looga qabto arimaha bini’aadinnimo iyo barakacayaasha ka dhashay fatahaadaha Baardheere, iyo colaadaha ka jira dalka.
Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadamada deeqda bixiya, sida Midowga Yurub, China iyo wadamada Carabta, sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini’adinnimada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...