Guddoomiye Madaale oo uu wehliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooga oo kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabaas Amiin Cali iyo Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay taasi oo ay maalgeliyeen Guddiga Bankiyada Soomaaliyeed.

Dib-u-dhiskaan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu ka codsaday Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dib-u-dhiska Isbitaalka xooga, Waxa uuna Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay guddiga bangiyada jawaabta ee ka bixiyeen codsigaasi oo suuragal ka dhigay in maanta Taliska Ciidanka Xooga dalka lagu wareejiyo Qeybta Saalada ee Isbitaalka xooga dalka oo dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....