Kulankani oo shir guddoomiyey taliyaha guutada 14=Octoberย ee ciidanka xoogga dalka Gashanle dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey) oo ay wehliyaan taliyayaasha ururada afar iyo tobanka oktober,sarakiisha degamada Janaale ayaa looga hadlayay amniga degaanka iyo howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ay ciidamadaย xoogga dalka kawadaan degaannada ka tirsan shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha degaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi Nuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidmada amniga,waxa uu ammaanay sarkiisha ciidmadaย Qeybta 14-october kalinta weyn ay ka qaateen sugida amniga degmada Janaale iyo sidoo kale dar-dargalinta howlgallada khawaarijta lagu baacsanayo ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.