Tirada muhaajiriinta ku dhimanaya badda Tunisia oo korortay

Date:

Mas’uul u hadlay caafimaadka gobolka Sfax ee dalka Tuuniisiya, ayaa ka digay in tirada meydadka muhaajiriinta ee ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha ee laga soo badbaadiyay doonyihii ku burburay maalmihii la soo dhaafay badda, ay ka badan yihiin tirada ay soo gudbiyeen kooxaha caafimaadka maxalliga ah.

Wakaaladda wararka dowladda ee TAP oo soo xiganeysa aggaasimaha caafimaadka ee gobolka Hatem Cherif, ayaa sheegay in qolka meydadka ee Isbitaalka Jaamacadda Habib Bourguiba ee ku yaalla caasimadda gobolka uu soo gaaray 42 meyd oo muhaajiriin ah – isagoo xusay in qolka meydadka uu qaadi karo oo keliya 35 meyd ah.

Meydadka ayaa laga soo saaray badda kadib markii doomihii ay la socdeen, maalmihii la soo dhaafay ay kula degtay xeebaha gobolkaasi.

Toddobaadkii hore qolka meydka, ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey 70 meyd ah. Cherif ayaa laga soo xigtay isagoo ka digaya in xilliga xagaaga uu soo dhawaado, xawaaraha isku dayga socdaalka sharci darrada ah ee badda uu kordhi doono, baaba’a meydadkana uu noqon doono mid degdeg ah, sababo la xiriira heerkulka oo kor u kacaya.

Mas’uulkan ayaa ka codsaday hay’adda socdaalka adduunka ee IOM in ay soo gaarsiiso haamaha qaboojiyaha, iyo gawaarida xamuulka ah ee lagu qaado meydadka isbitaalka.

TAP ayaa waxay xustay iney jiraan in ka badan 800 oo mayd ah oo Afrikaana oo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha – kuwaasoo ku dhintay badda – lagu aasay qabuuraha maxalliga ah ee Sfax ilaa sanadkii 2022-da iyo sanadkan.

Dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, ayaa waxaa sare u kac ku yimid isku-dayga tahriibayaasha aan sharciyeysneyn ee Talyaaniga uga gudbaya badda.

Axadii, warbaahinta gudaha, ayaa sheegtay dhimashada ugu yaraan 29 muhaajiriin ah, intii lagu guda jiray isku dayga inay badda ka gudbaan, gaar ahaan Sfax.

Dhacdooyinkan ayaa yimid iyadoo olole lagu xirayo dadka Afrikaanka ee ku nool dalkaas, iyo hadalkii ka dhan ahaa soogalootiga, uu raalli gelin ka bixiyey madaxweyne Kais Saied toddobaadyadii la soo dhaafay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...