Soomaaliya oo Saxiixday Sharciga ladagaalanka Kalluumaysiga Sharci darrada ah.

Date:

Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aadan oo intii u dhaxeysay 22 ilaa 24 Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Copenhagen Dalka Denmark uga qeybgalaya shirka Blue Justice Conference 2023 ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee Copenhagen kaas oo kamid ah dedaallada looga hortagayo dambiyada badaha oo ugu horreeyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Xassan ayaa intii uu ku sugnaa Copenhagen waxa uu kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo. Anne Beathe Tvinnereim iyada oo ballan qaaday inay Soomaliya kala shaqayn doonto sida loo horumarin lahaa dhqaalaha kallumeysiga iyo tayeynta shaqaalaha iyo kallumeysiga.

 

Waxa uu la wadaagay dib u habaynta uu wasaaradda Kallumaysiga ku sameeyay, shuruucda la dhaqan geliyay iyo sida ay Soomaaliya aanay u doonayn gargaar ee ay diyaar u tahay maalgashi dhanka kalluumeysiga ah lala yeesho, Norwayna ay tahay waddamada sida sida weyn ugu horumaray dhankaas..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...