Madaxweynaha jubbaland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ku dhufatay degmada Baardheere

Date:

Kadib Fatahaada ka dhacay Degmada Baardheere taa oo galaafatay naf iyo maal, isla markana u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka musiibadan ay saamaysay ayaa Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Halkan ku magacaabayaa Xubnaha Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Baardheere oo ka kooban;

Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.

Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.

Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.

Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.

Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.

Guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha jubbaland ayaa laga filayaa in ay ka shaqeyaan sidii gurmad deg deg ah loola gaari laha dadka ay sameeynta  ku yesheen fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay degmada Baardheere degaanno hoos yimaado.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026, Xildhibaannada labada aqal ee...