Mareykanka oo Sheegay in dambiyo dagaal ay ka dhaceen Itoobiya

Date:

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in milateriga Itoobiya, Ciidamada Eriteria, kuwa xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu ay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Itoobiya.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay Warbaahinta in xubno ka mida ciidanka milateriga Itoobiya, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu ay geysteen dembiyo ka dhan ah biniโ€™aadannimada sida dilal, kufsi, iyo xadgudubyo kale.

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu ay ku kaceen dembiyo ka dhan ah biniโ€™aadantinimada oo ay ka mid yihiin, masaafurin iyo isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Dowladda Fedaraalka Itoobiya iyo Jabhadda xoraynta Tigray ee TPLF, ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed bishii November ee sanadkii tagay, taasoo soo afjartay colaad ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena ay soo waajaheen gaajo iyo barakaca.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...