Ra’iisul Wasaaraha Japan oo maanta booqasho ku tagaya Ukraine

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida, ayaa maanta oo Talaado ah booqasho ku tagi doona magaalada Kiev ee Caasimadda Ukraine, inta uu Fumio Kishida ku guda jiro booqashadiisa ayaa la sheegayaa inuu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Wasaaradda arrimaha dibadda Japan ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Kishida, uu halkaasi u tagaya si uu u muujiyo taageerada joogtada ah ee Japan ay la garab taagantahay Ukraine.

Kishida, ayaa ahaa Hoggaamiyaha kaliya ee ka mid ah hoggaamiyayaasha G7 ee aan booqan Ukraine tan iyo markii uu qarxay dagaalka kala dhaxeeya Ruushka bishii Febraayo 2022.

Booqashada Kishida ee Kiev ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqasho ku tagay Moscow, halkaasoo uu kula kulmaya dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Fumio Kishida, ayaa noqonayaa Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Japan oo booqda goob dagaal tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...