Dowladda Soomaaliya oo Dhallinyaro laga soo daayay Xabsiyada Libya ku soo celisay dalka. {Sawirro}

Date:

Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Hay’adda IOM Oo Garoonka Diyaaradaha Ku soo Dhoweeyay 11 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Laga Soosaaray Xabsiyada Libya.

11-kan dhalinayaro oo muddo badan magafe ku heystay Libya ayaa soo ceelintooda waxaa iska kaashaday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibya
Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda/Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Libya, Hay’adda IOM iyo Midowga Yurub oo maal galiyey.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee JFS oo ka hadashay soo dhoweynta ayaa sheegtay in Xafiiska uu ka shaqeynayo soocelinta dadka ku dhibaateysan dibedda iyadoo u mahadcelisay Madaxweynaha JFS,,,,Cod.

Ibraahim Guure Maxamed. Agaasimaha Arrimaha Diaspora-ha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS ayaa uga mahadceliyay dhinacyadii ka shaqeeyay soo celinta muwaadiniintan,,,,Cod.

Taniyo sabadkii 2016-kii Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee DFS ayaa ka shaqeeynayay soocelinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada iyadoo gacan ka helayso, DFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, IOM iyo Muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...