Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS Dr Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaranka

Agaasime Xuseen ayaa uga mahad-celiyey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur-galbeed mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, madaxda kale dowladda iyo bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu diyaar garoobeen marti gelinta madashan iyo soo dhaweynta diirran ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qeyb geli doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada ayaa maalamaha soo socda ka furmi doona magaalada Baydhabo, halkaas oo lagaga arrinsanayo arrimaha wadahadalada iyo heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka Federalaynta hay’adaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...