Hey’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta Deeq Gargaar raashin ah ka qeybisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Mucaawinadaan oo isugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka ayaa waxaa ka faa’iidaystay qoysas gaaraya 300 Qoys.
Qoysaskan gargaarka la gaarsiiyey ayaa ah Dadka ka soo barakacay Abaaraha iyo dagaalada ka jira deegaanadii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Argagixisada.