Madaxweyne Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas

Date:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland taas oo la qaban doono maalinta Khamiista ah ee 25-05-202

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...